Duqeyn ka bilaabatay Kashmiir, kadib Duuliye Hindi ah oo la sii daayey

0

Dff244a09a0a44049b2218412c9c9d54 18

Ciidamada India iyo Pakistan  ayaa is-weydaarsaday nuucyada hubka,gaar ahaan madaafiicda goobta,waaana halkaasi waxyeello ka soo gaartay Afar Ruux oo rayid ah,halka uu dhaawac ka soo gaaray afar kale sida ay ku warameen Saraakiisha.

Labada ciidan ayaa midba midka kale beegsanaya saldhigyada uu ku leeyahay aagga Gobolka lagu muransan yahay ee Kashmiir.

Duqeynta oo bilaabay xalay ayaa socotay illaa saaka waabarigii kaas oo galaafatay nolosha laba walaalo ah iyo Hooyadood oo ku sugnaa qeybta Kashmiir ee Hindiya maamusho,halka aabihii loola caray Cisbitaal.

Barasaabka qeybta Kashmiir ee Pakistaan Umar Azam ayaa sheegay in ciidamada Hindiya oo si aad ah u hubeysan ay soo dhoobteen aagga xadka labada dhinac.