Madaxtooyada Galmudug ayaa War-Saxaafadeed kasoo saartay xiisada ka dhalatay ciidamada ka tirsan NISA ee xalay la wareegay Xarunta Madaxtooyada Galmudug ee Magalada Cadaado.
War-Saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyada Galmudug ayaa waxaa lagu sheegay in Galmudug aysan gorgortan ka galeyn amnigeeda iyo wadajirka deegannadeeda.,islamarkaana Shacabka looga baahan inay garab istaagaan.
Beesha Caalamka ayaa loogu baaqay in ay hubiyaan in taageerada ay Soomaaliya siiyaan loo adeegsan burburinta iyo colaad hurinta Soomaalida dhexdheeda waa sida hadalka loo dhigay.