Qarax mas’uul lala eegtay oo ka dhacay duleedka Muqdisho

0

Qarax

Wararka aan ka heleyno deegaanka Weeydow ee duleedka Magalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi uu kadhacay qarax geystay khasaaro.

Qaraxa ayaa dad goobjoogayaal ah waxa ay sheegeen in uu ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso,isla markaana lala eegtay gaari uu watay  Gudoomiye ku xigeenka Arrimaha Bulshada deegaanka Garasbaaleey oo lagu Magacaabo Cabdullaahi Cabdi Maxamuud.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in goobta uu qaraxa ka dhacay oo ah agagaarka Isbitaalka Macaani ay ku dhaawacmeen Afar ruux oo rayid ah oo wadada marayay,isla markaana dhaawacooda loo sooqaaday Magaalada Muqdisho.

Majirto weli wax war ah oo kasoo baxay Guddoomiye ku xigeenka Arrimaha Bulshada ee deegaanka Garasbaaleey oo qaraxaasi miino lala eegtay,hayeeshee xaalada goobtii qaraxa uu ka dhacay ayaa ah mid degan.

Deegaanka weeydow iyo deegaanada kale ee duleedka Magalada Muqdisho ayaa waxaa inta badan kadhaca qaraxa loo adeegsado miinada dhulka lagu aaso taas oo lala eegto mas’uuliyiinta dowladda iyo Ciidamada xilliyada ay wadadaas ku safrayaan.