Akhriso: Halkuu ku dambeeyay Meydka Wariye Jamal Khashoggi ?

0

53461908 1477933215673946 6720156193555218432 N

Talefishinka Al-Jazeera ayaa barnaamijkiisa (Maxaa Qarsoon) ku soo bandhigey baaritaanno qarsoon iyo macluumaadka rasmiga ah ee la xiriira sida uu u dhacay falkii lagu khaarajiyay wariye Jamal Khashoggi kaas oo ka dhacey gudaha Qunsiliyadda Sacuudiga uu ku leeyahay Caasimadda Turkiga.

Barnaamijka Maxaa Qarsoon ee Al-Jazeera ayaa lagu soo bandhigey wada hadalkii ugu horeeyay ee Sacuudiga iyo Turkiga dhex mar aka dib markii la waayay Jamal Khashoggi,wada hadalkaas waxa uu dhex maray Madaxa Sirdoonka Turkiga Xaqaan Fiidaan iyo dhaxal sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan.

Madaxa Sirdoonka Turkiga oo la hadlayay dhaxal sugaha Sacuudiga ayaa waydiiyay baahida loo qabo in xaqiiqda laga sheego arrinta ka dhacdey gudaha Qunsiliyadda balse Bin Salmaan waa ka dhaga adeygay,waxa uuna ku tilmaamay Hanjabaad aan la aqbali karin.

Baaritaanada ay Al-Jazeera soo bandhigtay ayaa tilmaamayay Sawirro muujinayay Foorno laga dhex dhisey gudaha Qunsiliyadda ka hor inta aysan dhicin Jariimadu,sida lagu helay baaritaanada Foornada ayaa loo adeegsadey in lagu gubo Meydka Marxuumka si loo qariyo raad walboo ka dhalan kara.

Baaritaanada ay sameeyeen Turkigu ayaa cadeynaya in Foornada cabirka dabkeeda la ogaa muddo Saddex Maalin ah ilaa markii dambe la soo galiyay gudaha Qunsiliyadda Baabuur iyo Boorsooyin si qaybaha kale ee Maydka loo geeyo guriga Danjiraha.

Sida lagu soo bandhigey Barnaamijka Al-Jazeera ee (Maxaa Qarsoon) Ilaalada Qunsiliyadda ayaa soo iibiyay 10 Kiilo oo Hilibah halkaas oo ay ku dhex dareen Hilibka Meydka si ay ugu gubaan Foornada.

Falka oo intiisa badan ka socdey Qolka Danjiraha ayaa kooxdii fulisey Minshinka waxey sameeyeen arrimo la yaab leh si ay u qariyaan Raad walboo ka dhalan kara in la helo ogaanshaha ku saabsan falka dhacay.

Waxey darbiga Xafiiska Danjiraha u isticmaaleen Rinji cusub ka dib markii ay fuliyeen falkaSirdoonka Turkiga oo fujiyay Rinjigii Cusbaa ayaa xaqiijiyay dhiig ku yaalla gidaarka xafiiska iyo sidoo kale faraha raggii geystay falka.

Baaritaanadan ayaa laga soo billaabey Maalintii uu galay Safaaradda oo ku beegnayd 28 September 2018 ilaa waqtigii la xaqiijiyay in la waayay oo iyadna ku beegnayd 2 October 2018,waxaana ka dib maalinkaas bilowdey cadeymo kala duwan oo soo baxaya kuwaas oo ay ugu weynayd qirashadii Sacuudiga.

Halkuu ku dambeeyay Meydkii Jamal Khashoggi.?