Wasiirka Amniga dowlad goboleedka Jubbaland Cabdirashiid Xassan Cabdi Nuur Janan oo Shir jaraa`id ku qabtay degmada Doolow ayaa hadlay arrimo ay ka mid yihiin doorashooyinka la filayo in ay dhawaan ka dhacaan deegaanada Jubbaland.
Wasiirka Amniga Jubbaland ayaa fariin u direy guud ahaan shacabka gaar ahaan Musharixiinta rajada ka leh in ay qabtaan xilka madaxtinimada Jubbaland,waxa uuna ku baaqay ilaalinta nabad galyada iyo xaisoonida ka jirta deegaanka.
Wasiir ayaa tilmaamay in cidka kasta oo muwaadin Jubbaland ahi,buuxisana shuruudaha doorashada ay xaq u leedahay in ay isa soo sharaxdo,mana jiri doonaan cid si gaar ah looga hor istaagi doono.
Musharaxiinta ayuu uga digay in ay la yimaadaan falal khalkhal galin kara ammaanka,waxa uuna sheegay in madaxda Jubbaland ay diyaar u yihiin in ay dhacdo doorasho xalaal iyo xaq ah.
Waxa uu ugu dambayntii uu kula dardaarmay laamaha ammaanka in ay la shaqeeyaan Musharixiinta u tartamaysa talada deegaanka isla markaana ay saaxiib ka dhigtaan musharax kasta oo si nabad galyaha ku raadinaya xilkiisa.