Sawiro>Farmaajo oo booday dhawacyada dadka la dhigay cisbitaalada ee qaraxii maka almukarama iyo Goobta qaraxa

0

53243756 2225746047753456 5472115392568623104 N

Farmaajo oo Saakay Isbitaal ku booqday dadkii ku dhaawacmay Qaraxyadii Muqdisho (Daawo Sawirada
Farmaajo oo Saakay Isbitaal ku booqday dadkii ku dhaawacmay Qaraxyadii Muqdisho (Daawo Sawirada
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa saaka booqday Isbitaalka Madiina si uu ugu kuurgalo xaaladda caafimaad ee dadkii ku dhaawacmay weerarradii waxashnimada ahaa ee ay argagaxisadu ka fulisay magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Farmaajo ayaa markii uu gaaray Isbitaalka waxa uu warbixin faahfaahsan ka dhegaystay Agaasimaha Isbitaalka Dr. Maxamed Yuusuf oo uga warramay xaaladda caafimaad ee ay ku sugan yihiin dadkii qaraxa ku waxyeeloobay.

Madaxweynaha ayaa intii uu ku sugnaa Isbitaalka waxa uu mid mid u dul istaagay bukaannada iyo dhawaacayada lagu daawaynayo Isbitaalka Madiina, isaga oo arkay xaaladdooda caafimaad.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga mahadceliyey dhakhaatiirtii uu kula kulmay Isbitaalka Madiina shaqada wanaagsan ee ay bulshada Soomaaliyeed u hayaan, isagoona kula dardaarmay in ay sii dardargeliyaan daryeelka caafimaad ee ay u fidiyaan bukaannada qaba dhaawacyada kala duwan.

Image may contain: 2 people, people sittingImage may contain: 2 people, people sitting