Howlgal dad lagu qabtay oo laga sameeyey Gaalkacyo

0

Howlgalomuqdisho20140721

Ciidamada Booliska Dowlad Goboleedka Puntland ayaa saacadihii la soo dhaafay waxa ay howlgallo kala duwanaka sameeyeen Xaafadaha ay k akooban tahay Waqooyiga Magalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

Howlgalka ayaa ka dambeeyey kadib markii Waqooyiga Magalada Gaalkacyo ay kusoo kordheen falal lidi ku ah dhinaca Amniga,waxaana howlgalka lagu fuliyey lagu soo qab qabtay dad dhalinyaro u badan.

Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Puntland Cismaan Xasan Cowke oo Warbaahinta la hadlayay ayaa waxa uu sheegay in howlgalkaas ay kusoo qabteen ilaa 70 Ruux oo Dhalinyaro u badan,kuwaas oo uu sheegay inay Magalada ka wadeen falal amnidarro.

Waxa uu hadalkiisa intaasi ku daray in dhalinyaradaas ay ahaayeen kuwo la baxay Magacyo kala duwan,islamarkaana watay hubka fudud sida tooreeyda iskuna dilayeen.

Dhawaan ayaa Waqooyiga Magalada Gaalkacyo waxaa la geeyey Ciidamo farabadan oo ka tirsan kuwa Daraawiishta Puntland,kuwaas oo laga keenay gobolka Sool,waxaana ay Gaalkacyo ka wadaan howlgallo loogu magac daray(CAAISHO MAXAY GALABSATAY).

Audio Player