Madaxweyne Farmaajo iyo RW Kheyre/Fahad isku jiho ma u socdaan?

0

 “Read between the lines” aqriso waxa socda? 

*DHAGEYSO RW ku xigeenka Mahdi Khadar 2/10/2018 Xisbul Xaakimkii uu sheegay in ay degdeg u diiwaan gelinayaan xagee ku danbeeyey? Qorshihii Madaxweyne Farmaajo ku doonayey Mahdi Khadar uu uga dhigo Gudoomiyaha Xisbiga #NabadIyoNolol wuxuu isu bedelay go’doominta RW Kheyre/Fahad ku sameynayaan Mahdi Khadar. 

*RW Kheyre/Fahad qorshahooda ah la wareegidda Awoodda Dawladda & Doorashadda 2020/21 waxaa xukuumada looga saaray qof kasta oo lagu tuhmi karayey ku dhowaanta Farmaajo sida Drs Maryan Qasim, Yusuf Garaad, Juxa, Khadro, waxaa wasiiraddaa lamid ah oo hadda go’doomin ku socotaa xubno xukuumada ka tirsan Mahdi Khadar, Ahmed Cawad, Jamaal, Oomaar. 

*Dhismaha Xisbiga Dawladda ee #NabadIyoNolol oo Xubnihiisa u badanayaan RW Kheyre/Fahad waxaa musharax u ah doorashada 2020/21 RW Hassan Ali Kheyre.

* Farmaajo oo diiday inuu saxiixo go’aanka Baarlamaanka oo Kheyre/Fahad ku doonayeen in Bankiga dhexe Gudoomiye looga dhigo Nigel Roberts. Qorshaha oo Awoodda Maamulka Maaliyadda kula wareegayeen Kheyre/Fahad. Diidmada Farmaajo kadib wuxuu RW Kheyre soo saaray Xeer Lr. 47 Taariikhdeeda dib loo dhigay oo Habraaca Heshiisyada Dawladda, wareegtada oo looga gudbayo Baarlamaanka iyo Saxiixa Madaxweynaha. 

*Farmaajo iyo Kheyre/Fahad oo aan isku qorshe aheyn Doorashooyinka Jubaland & Galmudug.

* Farmaajo iyo Fahad/Kheyre waxay isku qorshe noqonayaan marka ay heshiiyaan Qatar/Turkey iyo Sacuudiga/UAE, Maadaama Madaxweyne Farmaajo qeyb ka noqday heshiiska 3 geesoodka oo Sacuudiga & UAE ka danbeeyaan. 

* Sida la iskula joogo haddii loo wada socdo Madaxweynihii hore Somalia Hassan Sheikh & Hassan Kheyre baa wada socon lahaa.08096197-636D-411D-9F99-AD78DE57D51F