SAWIRO:-Maxay ka wada hadleen Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya?

0

2 10

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo Maanta booqasho ku tagay dalka Itoobiya ayaa kulan waxa uu la qaatay Ra’iisul Wasaaraha dalkaas Abiy Axmed.

Kulanka ayaa labada dhinac waxa ay uga wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal, nabadgelyada gobolka iyo dardargelinta is-dhexgalka dhaqaalaha Geeska Afrika.

In kastoo faah faahin dheeraad ah kulankaas Madaxtooyada Soomaaliya aysan  ka bixin ayaa waxa uu daba socdaa kulan Magalada Addis Ababa ay Axadii todobaadkaan ku yeesheen Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Kenya oo khilaaf diblumaasiyadeed uu kala dhaxeeyo Soomaaliya.

Soomaaliya Itoobiya iyo Ereteriya ayaa dhawaan waxa ay sameysteen Isbaheysi Wadamada Geeska ah , hayeeshee Soomaaliya ayaa booqashadii Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ee Wadamada Itoobiya iyo Eretriya waxa ay u aragtay mid lagu bur burinayo, taas oo keentay in Madaxweyne Farmaajo uu safar deg deg ah ku tago dalka Itoobiya.

Safarkan waxa Madaxweynaha ku wehelinaya Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibedda Mudane Cabdulqaadir Axmed Khayr iyo La-taliyayaal sarsare oo ka tirsan Madaxtooyada Qaranka.