Khasaaro ka dhashay qarax lala eegtay Ciidamo ka tirsan Dowladda

0

Qarax

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax lala eegtay Gaari ay la socdeen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya xilli uu marayay meel u dhow Xeradii hore ee Asluubta ee Magalada Muqdisho kuna sii jeeday Saldhig ay ku leeyihiin Xaafada Galmudug.

Gaariga qaraxa lala eegtay oo ahaa nooca Soomaalida u taqaano Cabdi bilaha ayaa xilliga la qarxinayay marayay dhabarka dambe ee Xerada Asluubta oo ku yaalla Xaafada Galmudug,waxaana qaraxaas ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.

Goobjoogayaal ayaa waxa ay Idaacadda Risaala ee Magalada Muqdisho u sheegeen in qaraxaas  uu ku geeriyooday hal askari laba askari oo kale iyo Haweeney ay ku dhaawacmeen,waxaana Goobta tegay Ciidamo kale oo boolis ah,kuwaas oo qaaday meydka askariga iyo dhaawaca.

Majirto cid weli sheegatay mas’uuliyadda qaraxaas,hayeeshee Ururka Al-Shabaab ayaa inta badan sheegta qaraxyada iyo dilalka qorsheysan ee ka dhaca Magaalada Muqdisho iyo qaar ka mid ah gobolada dalka Soomaaliya.