Walaac laga muujiyey kulankii Madaxweynayaasha Somalia & Kenya

0

Kulanka 696x392

Tan iyo markii shalay Magalada Nairobi ee dalka Kenya ay kulan ku yeesheen Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya iyo qoraalkii Villa Soomaaliya kasoo saartay shirkaas ayaa waxaa soo baxayay walaac iyo shaki laga muujiyey.

Siyaasiyiin, Aqoonyahano iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada ayaa siyaabo kala duwan u fasiray kulankaas,waxaana Madaxtooyada Soomaaliya ay sheegtay in looga hadlay xalinta khilaafka labada dowladood halka Warbaahinada Kenya Itoobiya ay qoreen in laga hadlay arrimo la xiriira muranka Badda.

Siyaasi Jaamac oo ka mid ah Siyaasiyiinta ku nool Magalada Muqdisho ayaa qaba  in qoraalka Madaxtooyada kasoo baxay kaliya ku filneyn Ummadda Soomaaliyeed.

Dhinaca Xisbiga uu hoggaamiyo Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur ee Wadajir ayaa qoraal uu soo saaray waxaa lagu sheegay in Madaxtooyada Soomaaliya ay marin habaabin ku sameyneyso Shacabka Soomaaliyeed, iyada oo aan laga wada hadlin xudduntii keentay khilaafkii dowladaha Soomaaliya iyo Kenya.