Xal laga gaaray xiisad ka taagneyd Boosaaso

0

Marsada 696x391

Maalmihii la soo dhaafay waxaa taagneyd cabasho ay qabeeen qaar ka mid ah Ganacsatada Magalada boosaaso taas oo ka dhalatay kadib markii Puntland ay amartay in la xiro suuqa kalluunka iyo marsada ee ku dhexyaalla dekedda Boosaaso.

Hayeeshee banaanbaxyo laba maalin ka socdya Boosaso kadib Puntland ayaa shaacisay in dadka Ganacsatada ah loo diyaariyay Goobo kale oo ay ku Ganacsan karaan,isla markaana murankii jiray xal laga gaaray.

Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga Puntland Faarax Cawaash ayaa sheegay in warar been abuur ah laga faafiyey xeritaanka suuqa kalluunka iyo marsada ee ku dhexyaalla dekedda Boosaaso,dadlkii halkaasi ku Ganacsanayay ay u diyaariyeen Goobo kale.

Waxa uu hadalkiisa intaasi ku daray in Doomanka iyo Agabka kale ee hadda Kalluunka uu saaran yahay laga dejin doono wixii ka dambeeyana Goobo kale ee Cusub u wareegi doonaan tasina ay ku qanacsan yihiin.

Marka laga soo tago hadalka Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga Puntland weli dhankooda wax war ah kama soo bixin dadkii ku Ganacsanayay Marsada Boosaaso,waxana xusid mudan laba maalmood ay banaanbax dhigayeen.