Kheyre oo soo farageliyay khilaafka Wasaaradda haweenka & Ururka Haweenka

0

Kheyre

Maalmihii la soo dhaafay waxaa taagnaa khilaaf xoogan oo u dhaxeeyey Wasaaradda Haweenka xukuumadda Soomaaliya iyo ururka Haweenka Qaranka,kaas oo siweyn looga dareemay Magalada Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa la sheegay in uu soo farageliyey khilaafkaas si xal looga gaaro,waxaana wararka aan helnay ay sheegayaan in sidoo kale kheyre uu joojiyey Warmurtiyeed kasoo bixi lahaa Shirweynihii Haweenka ee Khamiistii lagu soo geba-gabeeyay Muqdisho.

Guddoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka Batuulo Sheekh Axmed Gable oo wareysi siisay Idaacadda Risaala ee Magalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegtay in Kheyre uu soo farageliyey khilaafka u dhaxeeyay Wasaaradda Haweenka iyo Ururka Haweenka Qaranka.

Waxa ay sheegtay in haatan uu Ra’iisul Wasaaraha uu wado qorsho lagu xalinayo khilaafkaas,waxana ay sheegtay in shirweynaha Haweenka ee lagu qabtay Muqdisho uu ahaa mid Wasiirka Haweenka ay wadatay,isla markaana ay ka qeyb galeen Haween ay ka keentay dala dibadiisa.

Waxaa la weeydiiyey Su’aal aheyd maadama uu waqtigaaga dhamaaday in dad badan ay ku eedeynayaan inay kursiga isku dhejisay,waxaana ay sheegtay in ay iyada diyaar u tahay in doorasho la qabto balse Shaqo ay dhowr sano soo waday aysan meel cidlo ah uga tageyn.

Audio Player