Xildhibaano ka digay in wadahadal laga galo Dacwada Badda

0

Xildhibaanada 620x330

Weli waxaa taagan muranka dhinaca Badda ah ee u dhaxeeya Dowladaha soomaaliya iyo Kenya,waxaana Maxkamada Cadaaladda Aduunka ee ICJ taalla dacwad ay Soomaaliya ka gudbisay Kenya.

Xildhibaano, Siyaasiyiin iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada ayaa waxaa ay ka digayaan in wadahadal laga galo dacwada taalla Maxkamada ICJ, kadib kulankii Madaxweyne Farmaajo iyo dhiggiisa Kenya.

Xildhibaan Axmed Xaaji Taaw oo ka tirsan Golaha Shacabka oo la hadlay Risaala ayaa sheegay in Kulankii labada Madaxweyne ku dhexmaray Kenya aan looga hadlin arrinta badda,isla markaana uu ka digayo in wadahadal Kenya lagala galo dacwada taalla Maxkamada ICJ.

Sidoo kale Xildhibaanka ayaa waxaa hadalkiisa uu intaasi ku daray in fadhiyada baarlamaanka dhawaan markii ay furmaan ay Xukuumadda kula xisaabtami doonaan wax walba oo la xiriira arrinta dacwada ee taalla Maxkamada ICJ.