Ciidamada ammaanka oo ku raad jooga Nin Gabar yar kufsaday
Ciidamada Ammaanka Magalada Baladweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa waxa ay baadi goob ku hayaan Nin la sheegay in Gabar 9 sano jir ah uu ku kufsaday Magalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.
Guddoomiyaha Magalada Baladweyne Maxamed Axmed Ibraahim foodcadde ayaa Warbaahinta u sheegay in ay wadaan howlgallo ay ku baadi goobayaan dadkii ka dambeeyey kufsiga Gabadhaas.
Waxa uu sheegay in maalmihii la soo dhaafay ay Magalada Baladweyne kusoo bateen falal la xiriira dhinaca amniga,isla markaana taasi ay walaac ka muujinayaan,waxaana uu sheegay in aan la aqbali doonin.
Todobaadyadii la soo dhaafay ayaa Magaalada Baladweyne waxaa ka dhacay falal lidi ku ah amniga,waxana lagu dilay Sarkaal ka tirsanaa Ciidamada Millateriga Soomaaliya, wallow Saraakiisha ciidamada xoogga dalka ay sheegeen in ay dilkaasi dad u soo qabteen