Hal Ujeeda Oo Ka Dambeysa booqashada wasiirada ee Ciidamo gadood sameeyey

0

3 61

Xubno wasiiro ah oo ka tirsan Puntland, isla markaana uu horkacayo Wasiirka Xanaanada Xoolaha Puntland  Saciid Cismaan (Physics) ayaa waxa ay booqdeen Saldhig ay ku sugan yihiin Ciidamo gadoodsan, kaas oo ku yaalla deegaano ka tirsan gobolka Bari.

Ciidamadaas oo ku sugan deegaanka Jimbac ayaa waxaa ay ka cabanayaan mushaar la’aan, waxaana dhawaan ay kasoo  baxeen deegaanka Af-urur ee Gobolka Bari oo ay sladhig ciidan ku lahaayeen,waxaana mas’uuliyiintaan ay u kuur galayaan xaalada ay ku sugan yihiin Ciidamadaas.

Wasiirka Wasaarada Xanaanada Xoolaha Puntland Saciid  Cismaan (Physics) iyo Xubnaha la socda ayaa waxaa ay kormeereen Xarumaha ay ciidamadaas ku sugan yihiin ee deegaanka Jimbac,waxaana ay kulamo la qaateen Saraakiisha ciidamada si dib loogu celiyo deegaanka Af-urur oo ay kasoo baxeen.

Saldhigii ay Ciidamadaas kasoo baxeen ee Af-urur ayaa waxaa la wareegay cutubyo katirsan ciidamada PSF iyo PMPF, iyaga oo mararka qaar sameeya howlgal ay baadi goobayaan Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab oo ku sugan deegaano ka tirsan gobolka Bari.