Guddi loo saaray sugida Amniga Magalada Muqdisho

0

Guddi 696x464

Kulan saacado badan qaatay ayaa Mogdisho dhacay, waxaana si deg deg ah isugu yimid golaha Wasiirada, si gaar ah waxa ay uga doodayeen amniga guud ee dalka, iyadoona ay diirada saareen kan Mogdisho.

Amniga Mogdisho ayaa u muuqda mid aan wanaagsaneen maalmihii lasoo dhaafay, iyadoo ay dhaceen todobaadkii tagay dhowr qarax oo ay ku dhinteen, dad badan halka kuwa kalana ay ku dhaawacmeen.

Inta uu kulanka socday waxa ay Wasiiradu si aad ah uga doodeen sida xalka loogu heli karo ammaanka, waxaana markii dambe loo saaray guddi laga dhex xulay golaha wasiirada.

Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda federaalka Soomaaliya, Cabdullaahi Xaamud ayaa kulanka kadib Warbaahinta u sharaxay qodobadii kasoo abxay shirkaas.