Musuq maasuq ka dhacay Tartankii Orodka Gaaban ee lagu qabtay Muqdisho

0

Maryan

Maanta Magalada Muqdsho waxaa lagu qabtay tartanka Orodka gaaban oo oo ay ka qeyb galayeen dhalinyaro Rag iyo Dumar iusgu jira oo laga soo kala xulay degmooyin ka tirsan gobolka Banaadir, hayeeshee intii tartanka socday ayaa waxaa ka dhacay musuq maauqay.

Wasaaradda Dhalinyarada iyo Cayaaraha Xukuumadda Soomaaliya  oo kaashaneysa  Maamulka Gobolka Banaadir ayaa tartankaas soo qaban qaabiyey,waxana ka qeyb galay dhalinyaro farabadan.

Mid ka mid ah dhalinyardii ka qeyb gashay Tartanka Orodka ayaa waxaa ay sheegtay in musuq maasuq lagu sameeyey intii ay orodka ku jirtay, hayeeshee guddiga tartanka ay u gudbisay.

Maryan Nuux oo ka mid aheyd ka qeyb galayaasha tartanka ayaa sheegtay in ay aragtay Gabdho ka qeyb galayay tartanka oo Gaari ciidan lagu soo qaaday,hayeeshee markii ay guddiga u sheegtay ay iyada kaalinta koobaad siiyeen.

“Labo Gabdhoodr ayaan arkay oo Gaari Ciidan lagu soo qaaday,halkan markaan imid Waxaa la ii sheegay in ay iga soo hormareyn,laakin Guddiga ayaa ii sheegay in Kaalinta Koowaad Aniga la i siinayo ayay tiri Maryan Nuux”

Orodyahan Maryan Nuux Muuse ayaa horay waxa ay uga qeyb gashay tartamo Heer Caalami ah, iyada oo kaalmo wanaagsan ka keentay,balse ay sheegtay in Maanta is dhowreysay si dhaawac uusan u gaarin.