Muqdisho Adiga Oo Gurigaaga Jiifo Amaanka Lidi ayaa ku tahay-!

0

M

Hada Ogaaw hee Waa adiga Oo Gurigaaga Jiifo ayaa Amaanka Mogdisho Lidi Ku tahay-?

Si degan U Aqri Dhacdadaan Xalay Mogdisho Ka dhacday-!

Xalay Saq-dhexe Mar aay tahay Ayaa Ciidamo Xiran Dharka Police Oo bar ‘go Yacni qaat-Cunayaal Ubadan Waxay Howl -galo Ku Sameeyeen Xaafado Ka Mida Magaalada Mogdisho Waxayna Guryaha kala Soo Baxayeen Dhalinyarada Waxay Isugu keenayeen Fagaaro banaan ah .

Dhamaan Dhalinyarada Waxaa laga Soo bixinayay Guryaha aay Jiifeen ilaa in kabadan 500 Dhalinyaro ah ayaa Hurdo laga Soo kiciyay Waxaaa Meel Cidlo Oo dhaxan La Isugu keenay laguna hayay Muddo Saacado ah.

Waxaa Yimid Goobta Dhalinyarada la isugu keenay Taliyaha Police -ka Bashiir Abdi (Ameerico) iyo Gudoomiye Ku Xigeenka 2aad Ee Gobalka Banaadir Mohamed Abdullahi Tuulax Si dhaba Looma Baarin Dhalinyarada Meesha la isugu Keenay

isla Markibo Waxaa Makarofoon Qabsaday Mohamed Abdullahi Tuulah Misana Camiro lo rakibay ayuu video iska duubay isagoo leh [[ Waxaan Caawa howl galo Ka Sameynaya Guud ahaan Magaaladda Waxaane kusoo qab qabanay Qolyo falal Amniga darro Ka Waday Caasimada Howl galada Nuucaanane Waa Sii Wadaynaa ilaa aan ka Cirib tirno Kuwa Amaanka lidi ku ah]

Kadib Taliyaha Police-ka iyo Tuulax iyo Dhalinyarada Ayaaa Sawiro laga qaad Qaaday.

intaa Dhalinyaradi Hurdada laga Soo kiciyay ee aan la baarin Wax Su’aal ahne aan la Weydiin Muddo meesha lagu hayay Waayaban yihiin ka dib na way iska Baxeen Gudoomiye Tuulax iyo Bashiir Americo iyagoo Dhalinyarada U Sheegay Ineey fasax Yihiin Oo Guryahoodi ku laabtaan.

• Ma Garan -karo sharciga Farayo in Dhalinyaro Xaafadahoodi hurdayo la argagax galiyo habeenkiina dhaxamaha lagu Miro iyagoo aan La baarin Inta Video iyo Sawiro lagu dul galo kadib lagu War geliyo ineey Fasax yihiin.

Hadaba Su’aashu Waxay tahay Aawen Dhalinyaradi lagu Sheegay ineey Amaanka lidi ku yihiin Hadiiba la Fasaxay-?

• Ma garan karno Meesha aay Ku dhamaan doonto Riwaayadaan Mogdisho ka Socoto ee Dhalinyarada lagu dul jilayo…

• Dhalinyarada Mogdisho Waxay ubaaham Yihiin Dowlad daryeesha Waayo Xaalkoodu Wuxuu kusoo aruuray.

Mar Jidki Ka xiran yahay–!

Mar Qarax aay ku dhintaan.

Mar Askari Dowladeed toogto.

Mar Habeenki laamiga la tubo.

Iyo Mar la caburiyo Oo la iska xirto-!