Ilhaan Cumar: “Horey ayaan uga soo badbaaday maleeshiyaad, haddana waan ka gudbayaa tan Trump”

0

Ilhan 750x430

Ilhaan Cumar oo ah xildhibaan ka tirsan Aqalka Wakiillada ee waddanka Mareykanka ayaa dhawaan sheegtay in ay haatan ka hor ka soo badbaaday qabqablayaasha iyo maleeshiyaadka Soomaaliya, haatanna ay ka gudbi doonto midda madaxweyne Trump.

Ilaahan ayaa talaadadii la soo dhaafay hadalkan jeedisay mar ay la hadleysay dumar madow ah oo asal ahaan Afrikaan ah oo isugu soo baxay bannaanka hore ee dhismaha aqalka Koongareeska Mareykanka. Dumarkani ayaa halkaasi isugu yimid si ay taageero ugu muujinayaan Ilhaan Cumar oo in muddo ahba ay is-hayeen madaxweyne Donald Trump.

Ilhaan ayaa dhawaan hanjabaado dil ah la kulan tahay ka dib markii madaxweyne Trump uu bartiisa Tweeter-ka uu soo dhigay muuqaal Ilhaan la xiriirinayo weerarkii Al-Qaacidda ku qaaday Mareykanka 11-kii Sebteembar ee sanadkii 2001.

Ilaah ayaa ka mid ah labada gabdhood ee Muslimiinta ah ee markii ugu horreysay ka mid noqday Aqalka Koongareeska dalkaasi Mareykanka. Dhawr jeer oo hore ayaa Ilhaan lagu eedeeyay in ay jeedisay hadallo lid ku ah dadka Yuhuudda ahi balse waa ay beenisay eedeymahaasi.

“Ma aha oo kaliya in aan ka badbaaday coalad. Haddii aan maleeshiyaadka ka badabaday waxaan hubaa in aan ka badbaadi karo dadkan,” ayay tiri Ilhaan Cumar.

” Balse sababtu waxaa weeye meel kastaa oo aan tagaba, waxaan hubaa in aan wada soconno dhammaantiin oo aan gacmaha is-haysanno.”

Ilhaan ayaa dhawaan BBC Somali u sheegtay in khilaafka kala dhaxeeya madaxweyne Trump uu salka ku hayo khilaafka Trump kala dhaxeeya Muslimiiinta, dadka soo galootiga ahi, haweenka iyo dadka madowga ah.

“Khilaafka aniga iyo madaxweynaha [Trump] wax cusub ma ahan, waxaan aaminsanahay in khilaaf weyn uu ka dhaxeeyay isaga iyo dadka Muslimiinta ah, khilaaf weyn uu ka dhaxeeyay isaga iyo dadka qaxootiga waddankan ku ah, khilaaf weyn uu ka dhaxeeyay isaga iyo dadka madowga ah, khilaaf weyn uu ka dhaxeeyay isaga iyo dadka dumarka ah.”

Ilhaan waxa ay sheegtay in iyada ay mas’uuliyad gaar ah ka saaran tahay dadkaasi oo waxa ay tiri “aniga waxaan ahay qof dadkaas oo dhan wadamatalo, marka aniga iyo asaga inaan isku dhacno waa wax mar hore soo bilowday.”

Ilhaan waxa ay sheegtay in madaxweyne Trump uusan kaligeed halis galinee uu sidoo kale halis galiyay dadka iyada ay matasho iyadoo tiri: “wuxuu halis galiyay dadka qaxootiga ah ee raba inay waddankan [Mareykanka] soo galaan, halista uu galiyay dadka Muslimiinta, halista uu galiyay dadka madowga ah iyo dumarka sida uu uga hadlo halista ay keenayso.”

Waxa ay intaasi ku dartay in Trump uusan ka fakarin dhibka uu hadalkiisa keeni karo “waa qof aanan ka fakarin hadalka uu isticmaalaayo iyo dhibaatooyinka uu keeni karo, iyadoo dadka uu ka dhigayo inay cadaw yihiin oo kale.”

Ilhaan waxa ay tilmaantay in la soo gaaray waqtigii Trump laga qaadi lahaa xilka madaxtinimada.

Horraantii bishii Abriil ayaa madaxweyne Trump waxa uu boggiisa Tweeter-ka ku qoray ‘hadal jeejees ah’ oo uu ula jeedo Ilhaan Cumar.

Sida uu sheegay wargeyska Daily Mail, madaxweyne Donald Trump oo oo ka hadlay kulan ay lahaayeen kooxda hoggaamisa siyaasadda Yuhuudda ee ku dhaqan Mareykanka ayaa Ilhaan Cumar u mahadceliyey isaga oo ku jeesjeesaya, waxa uuna yiri ‘…waan ilaaway illeen Ilhaan Cumar Israa’iil ma jecleyn, waan ka xumahay. Maya, Israa’iil iyadu ma jecla, miyey jeceshahay? Fadlan waan ka raalli gelinayaa.”