Abaanduulihii Guutada 2Aad iyo Ku xigeenkiisa oo lagu dilay sh/dhexe

0

Ciidanka 65

Kooxda Al-Shabaab ayaa deegaanka Yaaqle ee dhaca duleedka degmada Balcad ku dishay Abaanduulihii Guutada Labaad ee ciidamada dowladda Gaashaanlle dhexe Cali Caliif ahaana ku simihii taliyaha guutada labaad iyo Ku xigeenkiisi C/Kariim Hilowle.

Sida wararku sheegayaan deegaanka waxaa galabta ka dhacay dagaal xooggan kadib weerar ay ku qaadeen dagaal yahano Shabaab ah oo aad u hubeysan, iyadoo rasaasta la isweydaarsanayay laga maqlayay xaafadaha magaalada Balcad.

Weerarka Shabaab waxaa sidoo kale lagu dilay ilaa iyo 10 askari oo ilaalo u eheyd Saraakiisha la dilay, waxaana jira khasaare dhaawacya ah oo soo gaaray Ciidamadii Xoogga dalka.