Xalay ayaa Magaalada Garoowe waxaa aad looga hadal hayay kulan uu ka qeyb geli lahaa Madaxweyne Farmaajo balse Puntland ay joojisay,waxaana taasi ay qeyb ka aheyd khilaafka xilligaan dowladda Soomaaliya kala dhaxeeya qaar ka mid ah Maamul Goboleedyada.
Hayeeshee Wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in kulankaas gebi ahaanba ay xalay joojisay Puntland,isla markaana sababta ay tahay in Puntland ay kasoo horjeedo inay kulamo dhexmaraan Bulshada Rayidka iyo Madaxda Dowladda ilaa laga heshiiyo waxa ay dowladda isku hayaan oo ay ka mid yihiin Arrimaha doorashooyinka, Dastuurka, Arrimaha Kheyraadka iyo awood qeybsiga.
Madaxtooyadda Soomaaliya ilaa iyo hadda kama hadlin kulanka xalay la joojiyey ee uu ka qeyb geli lahaa Madaxweyne Farmaajo kaas oo uu la yeelan lahaa Bulshada qaar ee Magaalada Garoowe,kaas oo lagu joojiyey amar kasoo baxay Madaxda Sare ee Puntland.