SAWIRO:-Madaxweynaha Jubbaland oo qaabilsay safiirka Mareykanka ee Donald Yamamoto

0

1 85

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland  Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta qaabilay Safiirka Dowlada Maraykanka ee Soomaaliya Ambassador Donald Yamamoto oo booqasho ku tegay Magaalada Kismaayo.

Labada Masuul oo kulan gaar ah yeeshay ayaa waxaa diirada lagu saaray arimaha amniga iyadoo safiirku Madaxweynaha uga mahad celiyay sida Jubbaland ay ugu guulaysatay sugida nabadgalyada Arimaha Siyaasada iyo sida ay muhiimka u tahay wada shaqaynta Dowlada Federaalka ah iyo Dowladaha xubnaha ka ah.

Waxaa kale oo laga wada hadlay arimaha doorashooyinka iyadoo safiirku uu sheegay in kalsooni buuxda uu ku qabo in si wanaagsan ay ku dhacaan doorashooyinka Jubbaland isla markana si xor ah oo xalaal ah wax walba ay ku qabsooman.

Madaxtooyada Jubbaland wax faah faahin dheeraad kana bixin kulanka Maanta Kismaayo ku dhexmaray Madaxweynaha Jubbaland iyo Safiirka Dowlada Maraykanka ee Soomaaliya Ambassador Donald Yamamoto.