Qarax iyo toogasho is xigay oo ka dhacay Magaalada Buurhakabo ee Gobolka Baay.

0

Baabuur Amisom 5

Wararka ka imaanaya magaalada Buurhakaba ee gobolka Baay ayaa sheegaya in qarax xooggan lala eegtay Ciidamo ka tirsan maamulka Koofur Galbeed, kuwaasoo ku sugnaa goob gawaarida lacago looga qaado.

Sida wararku sheegayaan qaraxa ayaa ahaa miinada dhulka lagu aaso, iyadoo qaraxa uu dhacay xili askarta ku howlanaayeen qaadista lacagta ay ka uruuriyaan gaadiidka soo gala magaalada iyo kuwa kabaxa.

Goob jooge ku sugan Buurhakabo ayaa ayaa Mustaqbal u sheegay in uu jiro khasaare ka soo gaaray Ciidamada, walow aan la ogaan inta uu gaarsiisan yahay khasaaraha, maadaama Ciidanada weerarka kadib ay rasaas xooggan fureen.

Dhanka kale Koox hubeysan oo lagu tuhmayo in ay ka tirsanyihiin Al Shabaab ayaa bartamaha magaalada ku dishay Nin Nabadoon ahaa oo lagu magacaabi jiray Mukhtaar Subagle, wuxuuna kamid ahaa ergadii Xildhibaanada ku soo dooratay magaalada Baydhabo sanadkii 2016.

Shabaab oo sheegtay mas’uuliyada dilkan waxey sheegteen in dagaalyahano kuwooda ah ay weerarka fuliyeen, iyagoona toogashada kadib si Nabad gelyo leh ay isaga soo tageen goobta dilku ka dhacay.

Ciidamada amanka ee Koofur Galbeed, ayaa wada howlgallo baaritaano ah, walow aan la soo sheegin in ay gacanta ku soo dhigeen raggii labada weerar ka danbeeyay oo goobta ka baxsaday.

Xalay ayay eheed markii, Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay uu ka dhacay weerar kaa lamid ah, iyada oo qarax la dhigay Maqaaxi ku taala xaafada Wadajir ee Baydhabo lagu dilay hal qof, halka ay ku dhaawacmeen Saddex ruux oo kale, kuwaasoo dhamaantood Shacab ahaa.