AMISOM oo dejineysa qorshaha cabsida looga saarayo dadka ku nool dhulka laga saaray Al-shabab

0

Burundi Amisom

Howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa sheegay in ay ka fakarayaan qorshe ay cabsida uga saaraan dadka ku dhaqan goobaha ay Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM kala wareegeen Al-shabaab.

Abdul Diabagate, oo ah madaxa qeybta Bani’adamnimada AMISOM ayaa sheegay in dadka ku nool dhulka laga saaro Al-shabaab ay cabsi badan ka qabaan in Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda ay ka baxaan magaalooyinka kaddibna ay Al-shabaab dib u qabsadaan.

Waxaa uu sheegay in Istiraatiijiyadda cusub ay muujineyso sida loo kasban karo niyadda dadka degaannada laga saaro AL-shabaab ku nool kaddibna ay wada shaqeyn u dhex mari lahayd Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM.

Abdul Diabagate, ayaa xusay in ay ka soo reeyneyso kalsoonida dadka rayidka ah ay ku qabaan Ciidamada AMISOM iyo Ciidamada dowladda Federaalka ah gaar ahaana dhulalka lagala wareego Al-shabaab marka ay dhacaan howlgallada ka dhanka ah.

Waxaa uu intaas raaciyay in qorshaha cusub ee ay diyaarineyso AMISOM ay qeyb ka tahay in Ciidamada aysan ka bixin magaalooyinka laga saaro AL-shabaab sidoo kalena la xoojiyo isdhexgalka shacabka loogu tagay Magaalooyinka iyo ciidamada is baheysanaya.