Xildhibaan Dhakool oo muddo ka badan bil xirnaa oo lasii daayay

0

Dhakool 696x522

Ciidanka amaanka Magaalada Hargeysa ayaa maanta xabsiga ka siidaayay Xildhibaan Dhakool oo muddo ka badan bil ku xirnaa Magaalada Hargeysa.

Xildhibaanka ayaa la xiray markii uu ku dhawaaqay in maalinta 18ka May ee ay Somaliland u calaamadeysay gooni isu taaggeeda uu ku sheegay in ay tahay maalin ay leeyihiin beelo gaar ah.

Xildhibaanka ayaa sheegay in Beelaha Somaliland aysan u dhameyn maalinta 18ka May,waxaanu sheegay in isaga uusan ka qeyb ahayn dadka xusaya.

Maanta ayuu xorriyaddiisa dib u helay,waxaana sidoo kale siideyntiisa ka hadlay Guddoomiyaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan oo sheegay in Xildhibaanka uu u gefay Somaliland.

Saleebaan Gal ayaa sheegay in Beesha uu ka soo jeedo XIldhibaan Dhakool ay raalli gelin ka bixisay hadalka XIldhibaanka.