DF oo ka hadashay doorashada iyo xaaladda siyaasadeed ee Galmudug

0

Warsaxaafadeed kasoo baxay Wasirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Xukuumadda Soomaaliya ayaa looga hadlay Xaaladaha Siyaasadeed iyo Doorashada Galmudug.

Wasaaradda ayaa ku baaqday in la dhaqangeliyo oo waqtigeeda lagu qabto Doorashada Galmudug, maadaama waqtiga Madaxda Hogaanka heysa uu kasii idlaanayo.

Odoyaasha dhaqanka waxa ay wasaaaradda ugu baaqday in ay fadhi ka yeeshaan aayaha Galmudug, maadaama talada qayb ka leeyihiin.

Sidoo kale Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya ayaa ku baaqday in kahor Doorashada Galmudug ee Bisha July sanadkaan la isku keeno dhinacyada ku kala tagay khilaafka siyaasadeed.