Dad rayid ah oo lagu dilay wadada xiriirisa Muqdisho iyo Balcad

0

Ugu yaraan 3 qof ayaa ku dhimatay halka qof kale uu ku dhaawacmay markii xalay fiidkii koox hubeysan ay rasaas ku fureen Gaari ay dadkaasi la socdeen.

Weerarka ayaa ka dhacay Tuulada Xaanshooleey oo u dhaxeysa Muqdisho iyo Balcad, qof ka mid ah dadka degaanka ayaa u sheegay Idaacadda Mustaqbal in wadaha Gaariga uu diiday in uu joojiyo Gaariga sidaasna rasaasta loogu furay.

Cabdullahi Maxamed Xasan u warramay Idaacadda Mustaqbal ayaa sheegay in Waddadaas ay mar mar soo galaan koox hubeysan inta badanna habeenkii dadka ku waxyeelleeyaan.

Dhinaca kale Cabdullahi Maxamed ayaa sheegay in uu dagaal ka socdo Degaanka Cali Yaale ee Gobolka Shabeellaha dhexe.

Dagaalkan ayaa u dhaxeeya labo malleeshiyo beeleed oo ku dagaallamaya dhul halkaasi ku yaalla,waxaana uu Cabdullahi sheegay in degaankaas saaka laga barakacayo.