Ra’isalwasaare ku xigeenka dalka oo magacaabay Guddi gurmad u sameeya dadkii dhaawacmay

0

Mahdi 1 640x418

Ra’isalwasaare ku xigeenka xukuumadda SOomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa waxaa uu magacaabay Guddi gurmad u sameeya dadka ku dhaawacmay weerarkii ka dhacay Xarunta dowladda hoose ee Muqdisho.

Guddigan oo ka kooban 14 xubnood ayaa waxaa ka mid ah lix wasiir, afar xildhibaan, agaasimaha Hay’adda socdaalka iyo Jinsiyadaha iyo xubno kale oo uu ka mid yahay Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda Gobolka Banaadir.

Guddoomiye Yariisow oo ka mid ah dadka weerarkaas dhaawacyada ka soo gaareen ayaa ka dhaawacmay Madaxa iyo Caloosha waxaana uu ku jiraa qeybta deg degga ah ee Isbitaalka Digfeer.Image may contain: text