Jubaland oo heegan buuxa galisay Ciidankeeda iyo howlgal xalay laga sameeyay Kismaayo.

0

Ciidamda Jubbaland 9 640x480

Maamulka Jubaland, ayaa ku dhawaaqay in heegan buuxa ay galiyeen Ciidamadooda, iyagoo sabab uga dhigay cabsi ay ka qabaan in weerar uu ka dhoco magaalada Kismaayo oo isu diyaarineysa doorasho Madaxweyne.

Wasiirka Warfaafinta Jubaland Injineer Cabdi Xsueen, ayaa Warbaahinta u sheegay in wixii Khamiistii shalay ka danbeeyay ay Heegan buuxa galiyeen laamohooda amniga  inta ay ka soo dhamaaneyso doorashada Madaxweyne ee la aadayo 24-ka bisha soo Agoosto.

Waxa uu qiray iney tuhunsan yihiin falal ka dhan ah Nabad gelyada oo ka dhici kara Caasimada KMG-ka ah ee maamulkan, isagoo tilmaamay in arintan timid kadib falanqeyn dheer oo Wasiirada Jubaland sameeyeen.

Dhinaca Kalena, Ciidamada Jubaland ayaa xalay howlgal saf balaaran leh waxa ay ka sameeyeen Xaafadaha Dalxiiska, Guulwade, Dalacaadda iyo Via Afmadow, waxaana gacanta lagu soo dhigay inkabadan 100 dhalinyaro ah.

Isku shaandheyn kadib, Ciidamada Jubaland ayaa kaxeystay dhalinyaro laga shakiyay, waxaana loo daabulay xabsiga Fiat , oo inta badan lagu xiro dadka uu Maamulka Jubbaland doonayo in la ciqaabo.