Xildhibaan Cosoble “Dastuurka Maqaamka Muqdisho lagu dhisi lahaa ayaan diyaarineynaa”

0

C.qaadir Cosoble

Xildhibaan Cabduqaadir Cosoble oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay inay ka Shaqeeynayaan qorshaha Maqaamka Muqdisho iyo  Maamul loo sameynayo gobolkan Banaadir,si uu sheegay ay uga baxaan dhibaatooyinka kala duwan ee ka jira.

Waxa uu sheegay Xildhibaanka in dadka Muqdisho ay yihiin kuwa dhiban oo dowladda hadda jirta ay wadooyinka ka xiratay,sidoo kalena weli Magalada ay qaraxyada ka dhacayaan oo ay ku dhimanayaan kuna dhaawacmayaan mas’uuliyiin iyo dad Shacab ah.

“Dad isugu jira qurba jog iyo reer Muqdisho ayaa diyaar garoow ugu jira in maalul gaar ah loo sameeyo gobolkan Banaadir,dadkeenii waa ay dhiban yihiin,waxaana rabnaa in dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo u sheegno  in dhagax wadada lagu xiro aan dalka lagu maamuli Karin ayuu yiri Xildhibaan Cabduqaadir Cosoble.

Waxaa uu hadalkiisa intaasiu  ku daray in wadatashadii ay maalmahaan wadeen ay soo geba-gabeeyaan,isla markaana ay Magacaabayaan Guddi ka Shaqeeyaa soo diyaarinta Dastuurkii uu ku Shaqeyn lahaa Maamulka Gobolka Banaadir.

Hadalka Xildhibaan Cabduqaadir Cosoble ayaa kusoo aadaya xilli tira ka dhowr jeer uu fashilmay qorsho lagu doonayay in Maamul ay dadku soo doortaan loo sameeyo Gobolkan Banaadir,waxaana qorshahaas sida la sheegay xilkiisii ku waayay guddoomiyihii Gobolkan Banaadir Taabit Cabdi Maxamed.