Toogasho Caawa Fiidkii Ka Dhacday Xarunta Madaxtooyada Koofur Galbeed.

0

Askari katirsan Ilaalada Madaxtooyada Koofur Galbeed ayaa caawa gudaha Xurunta Madaxtooyada maamulkaasi ku dhex toogtay Gabar Askariyad ah oo lagu magacaabo Layla Abukar Axmed Duqow oo iyaduna ka tirsaneyd ciidamada Ilaalada Madaxtooyada Koofur Galbeed.

Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhaba ayaa intaas ku daraya in uu marun dhexmaray Marwada u dhaxda Askariga dilka Geystay iyo Marxuumad Leyla, kadibna uu ku soo baxay Askariga wax dilay, kaas oo sida la xaqiijyay Wadnaha xabad ugu dhaftay Gabadha Geeriyootay.

Warka ayaa intaas ku daraya in Askariga wax dilay uu goobta ka baxsaday, waxaana la isweydiinayaa in Qof Madaxtooyada inta uu dad ku dilo hadana baxsado.

Majiro Illaa hadda Wax war ah oo kasoo baxay Maamulka Koofur Galbeed.