Mid ka mid ah agaasime Xafiiska R.Wassaraha si sharci darro ah ku dhisaneysa dhisme Wasaaradda H/guud leedahay

0

Mid ka mid ah shaqaalaha Xafiiska R.Wassaraha si sharci darro ah ku dhisaneysa dhisme Wasaaradda H/guud leedahay

Maryan Aadan Amiin oo ah agaasimaha Arrimaha Bulshada Xafiiska Raysal Wasaare Kheyre ayaa si sharci darro ah ku dhisaneysa dhisme ay leedahay Wasaaradda Howlaha guud iyo Guriyeynta, kuna yaala degmada C.casiis ee Magaalada Muqdisho.

Dhismahan oo kaabiga ku haya Isbitaalka Laansareeti ayaa waxaa deganaa reero danyar ah iyada oo si qasab ah uga saartay, una adeegaatay Ciidamo Millateri ah, waxaana qoysaskan ay u adeegsatay awooda dowladda.

Maryan Aadan Amiin ayaa ku dooday in uu u amray dhismahaan Raysal Wasaare Xasan Cali Kheyre warqadda wareejinta gurigana uu u qoray Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud  Cabdi Aadan Hoosow, isagoo fulinayo amarka Reysal Wasaaraha.

Maryan Aadan ayaa sidoo kale ah, u qeybsanaha Xafiiska Raysal Wasaaraha ee Barnaamijka is xilqaan, waxaana la sheegay in iyada oo ka fii’iideysaneysa fursadaas isla markaana adeegsaneysa Agabkii loogu talogalay in lagu dhiso xarumaha dowladda sida Tiyaatarka, Matxafkii iyo Maktabada Qranka ay durba dayactir ku bilowday gurigaas ay sida sharci darrida ah kula wareegatay.

Arrinta isweydiinta mudan ayaa ah in Raysal Wasaare Xasan Cali Kheyre uu sheego inuu la dagaalamayo Musuqmaasuqa, balse qaar ka mid ah shaqaalihiisu ku kacayaan falal Musuq maasuq ah, weliba iyaga oo sheegaya in amarkaas uu bixiyay Raysal Wasaaruhu.