Sheekh Xuseen Jabuuti Oo Diiday In Sawirro Laga Qaado Inta uu Joogo Muqdisho

0

Jab

Khudbad ayuu Galabta Sheekh Xuseen Cali Jabuuti Ka jeedin doonaa  Masaajidka Al-Hidaaya ee Caasimada Xamar.

Warbaahinta oo isku dayday tegitaanka Isku imaatinkaasi ayaa waxay la xiriireen si ay u tabiso warbixino la xiriira jeedinta khudbada Sheekha  iyo Culimada kale ee ka qeyb galeysa, balse Guddiga qaban qaabada ayaa sheegay in culimada dhexdooda ay diideen faafinta muuqalada la xiriira kulan diimeedkaasi.

Sheekh Xuseen Cali Jabuuti ayey sheegeen in uu diiday Muuqaal iskadaaye xitaa sawir inaan la baahan karin sidoo kale waxaa Guddiga ay sheegeen in la diyaariyey dad ka hortega sawirada iyo muuqalada lagu qaado taleefanada gacanta ah.

Warbaahinta oo gudaneysa waajibaadka faafinta dhanka diinta ayaa weydiisay sababta keeni karta Sheekha oo la ogyahay marka uu Jabuuti iyo dalalka kale jooga ogalahay qaadista muuqaalada ayaa ku gaabsaday Sheekh ka mid ah Gudiga in ay jiraan arimo kale.

Ijtimaaca Tabliiqa ayaana ka dhacaya Masjidkaasi oo Kumanaan qof ay iskugu imaanayaan sida la sheegay iyadoo Culimada ay si cad udiideen in sheekha sawir laga qaado ama Lala galo intuba.

Waxa isweydiin Mudan waxyaabaha Ay culimada guddiga Qaban qaabada wada ay udiideen in la faafiyo dacwadaasi,maadaama ay arimo fidinta diinta ah ay quseyo,dadkana ay wacyi gelin iyo farida wanaaga.