Axmed Qoor qoor Oo Aqbalay Raali Gelinta Siciid Deni

0

Inbound6317083821258102461 720x437

Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid C/llaahi Deni ayaa xalay kulan gaar ah la qaatay dhigiisa Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor.

Kulanka oo ka dhacay xerada Xalane, waxaa looga hadlay khilaaf todobaadyadii la soo dhaafay u dhexeeyay labada madaxweyne, kaasoo ugu danbeyn xal laga gaaray.

Siciid Deni ayaa raali gelin ka siiyay madaxweyne Qoor Qoor hadalkii uu ka yiri Boosaaso, kaasoo ahaa in Farmaajo uu Qoor Qoor ku amray inuu tago Dhuusa-Mareeb oo uu Zoom ka soo galo, isagoo heli kara inuu Muqdishada uu joogay Zoom-ka ka soo galo.

Dadaalada la isugu hor fariisiyay labada madaxweyne waxaa garwadeen ka ahaa Xildhibaano ka tirsan labada aqal ee baarlamaanka soomaaliya kuwaasoo ka soo kala jeeda maamulada puntlannd iyo Galmudug.

Deni iyo Qoor ayaa sidoo kale ka wada hadlay arrimaha doorashooyinka iyo sidii loo dhaqan gelin lahaa heshiisyo ay hore ugu kala saxiixdeen magaalada Gaalkacyo.