DHAGEYSO: Koonfur Galbeed Oo Baaq Deg deg Ah usoo diray Dawlada Dhexe

0

Capture

Kulan ka dhacay Magaalada Baydhabo ayaa looga hadlay Xaaladihii ugu dambeeyey Ee Cudurka Covid 19 iyo Saameynta uu ku reebay Deegaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Kusimaha Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Maxamed Nuur Macalin Oo Shir Gudoominayey Kulanka ayaa warbixin ka dhageystay Guddiga loo xilsaaray la socodka Marxaladaha Cudurka iyagoo sheegay in weli ay dad badan soo ridanayo Caabuqaasi.

Shirka ayaa laga soo saaray geba gabadiisii Amaro cusub oo dadka lagu faray inay kala fogaanshiyaha ku dedaalaan,Xirtaan Face Mask iyo inay joojiyaan salaanta Gacanta ah.

Wasiirka Warfaafinta Koonfur Galbeed Ilyaaas Siciid Qalinle ayaa sheegay in Dawlada Soomaaliya ka sugayaan Agabka Caafimaad ee loogu talo galay Xakameynta Caabuqa Covid 19 isagoo wasiirku sheegay in xaalad adag uu cudurka ku hayo Deegaanada Maamulkaasi.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA