Shirka Maanta Afisiyooni Oo Loo diiday Wariyeyaasha inay Ka Qeyb Galaan

0

Shirka 2

Bar bilowga shirka looga hadlayey Arimaha Doorashooyinka ee shalay ka furmay Xerada Afisiyooni ee Magaalada Muqdisho ayaa maanta mar kale dhacaya.

Shirka ayaa la sheegay in laga yaabo Deni iyo Madoobe ay kasoo qeyb galaan,kadib baaqyada Beesha Caalamka oo lagaarsiiyey.

Wasaarada Warfaafinta Soomaaliya ayaa xalay Fariin udirtay Saxafiyiinta oo usheegtay inaysan Talaadada maanta ah tegi doonin Xerada Afisiyooni.

Lama oga arintaas waxay salka ku heyso,iyadoo dadka qaar ay ufasirteen in Arimo Culus laga hadlayo.