Wasiir Janan Oo Heshiis Hordhac Ah La gaaray Dawlada Soomaaliya

0

Janan 620x330

Wasiirka Amniga Jubbaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur (Janan) Iyo Taliyihii Daraashiishta Jubaland Cornel Cabaas Ibraahim Gurey ayaa warar aan helnay waxay sheegayaan in dhinaca Dowlada ku biiri doonaan saacadaha soo socda.

Cabdirashiid Janan iyo Cornel Cabaas waa Labada shaqsi oo Hogaamin doona Howlgal-ka lagu Xoreynayo deeganada Jubbaland Si loo Dadajiyo Doorashada Soomaaliya.

Warar kala duwan ayaa soo baxaya is afgaradka iyo sida uu ku bilowday,Maanta oo talaado ah ayaa gelinkii hore waxa soo baxay in Heshiis Hordhac ah gaareen Dawlada Soomaaliya iyo in dhawan uu tegi doono Magaalada Buula Xaawo Ee Gobolka Gedo.

Akhbaaraadka la helay ayaa sheegaya in Lacag iyo Xil Culus uu dhaafsiisaday dagaalkii uu ka waday Janan Duleedka Mandheera.

Lacag aan la cayimin oo kudhaw Hal Milyan Dollar iyo Gudoomiyaha Gobolka Gedo ayaa la sheegay in C/rashiid Janan ka heli doono Dawlada Federaalka Soomaaliya.

Tani ayaa dhabar jab weyn ku ah hadii Heshiiska uu dhaco Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo Gobolka Gedo gacantiisa ka bixi doonto.