DHAGEYSO: Golaha Bad baado Qaran Oo Farmaajo Baaq Culus Usoo diray

0

Aa

Gudoomiyaha Golaha Aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi sidoo kalena dhawaan Loo doortay Gudoomiyaha Madasha Bad baado Qaran ayaa ka hadlay Xaalada Siyaasadeed ee dalku ku jiro iyo sida loo baahan yahay in looga bad baadiyo dhibaato dhacda.

Cabdi Xaashi oo Saaka wareysi siiyey BBC-da laanteeda Afka Soomaaliga ayaa sheegay in Golaha Bad baado Qaran ay ku baaqayaan heshiis mideysan oo Doorashada laga gaaro,lagana qeyb gelo shir loo dhan yahay.

Masiirka Umaddaan ayuu Xaashi sheegay in aysan dhinac gaar ah gaari Karin,sidaa awgeedna ay muhiim tahay doorashada iyo Amniga la isku waafaqo mid wadar ogol ah.

Hadalka Cabdi Xaashi kasoo yeeray ayaa kusoo beegmaya xilli weli Muqdisho ka socdo Shir Looga tashanayo arimaha Doorashada islamarkaana Madaxweynaha Wakhti xilleedka ka dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo & Maamul Gobolleedyada Taabacsan ay shirayaan.

Taas badelkeeda Golaha Bad baado Qaran oo Muqdisho Looga dhawaaqay Isbuuc ka hor ayaa waxa ku mideysan Madaxda Jubbaland iyo Puntland,Qaar ka mid Ah Murashaxiinta Mucaaradka iyo Siyaasiyiinta kasoo jeeda Soomaaliland ee fikir ahaan Villa Soomaaliya qaadacsan.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA