Madaxweyne Ku-xigeenka Galmudug oo kormeer kedis ah ku tegay Xarunta Hay’adda Shaqaalaha Rayidka Galmudug lana kulmay Guddoonka Guddiga shaqaalaha…
Ku simaha Madaxweynaha, ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Galmudug Mudane Cali Daahir Ciid, Ayaa kormeer hawleed maanta ku tegay xarunta Hay’adda Shaqaalaha Rayidka Galmudug oo kamid ah hay’adaha madaxa bannaan. waxaana halkaas ku soo dhaweysay Guddoomiyaha Guddiga Shaqaalaha Rayidka Galmudug Marwo Aamino Sheikh Maxamed, oo war bixin dheer ka siisay waxqabadka hay’adda, hannaanka shaqadda iyo shaqaalaysiinta.
Madaxweynaha ayaa intii uu kusugnaa xarunta guddiga shaqaalaha la kulmay dhamaan howl-wadeenada xurunta, bogaadiyayna adeegga ay bulshada u hayaan.
Kormeerkan kediska ah ee madaxweynaha, ayaa ujeedadiisu aheyd dardargelinta Howlaha dowladda iyo u kuur-galka sida ay u socdaan howl maalmeedka Hay”daha madaxa banaan ee Xukuumadda.




