Xeer ilaaliyaha Qaranka oo shaaciyay in dalka Gudihiisa ay Maxkamad ku saarayaan Maraakiibta Sharcidarada bada uga Kalluumeeysta.

0

Xeer Ilaaliyaha 1024x576 1

Xeer ilaaliyaha Qaranka Suleymaan oo ka hadlayay kalluunka soomaliya oo la sheegay in qeyb ka mid ah ay guranayaan Maraakiib shisheeye.

Suleemaan ayaa sheegay in ay la socdaan maraakiib badan oo si sharci dara ah uga kalluumeysanaya biyaha Soomaliya , isagoo tilmaamay in ay maxkamad saari doonaan wixii haatan ka dambeeya.

 

“Maraakiibta Shisheeye ee kalluumeysiga Sharci-darada ah ka wada badda Soomaaliya waxaan ku maxkamadeyneynaa gudaha dalka ciddii gudaha ku maxkamadeyn-weynana adduunyada meeshay joogtaan ugu raadsaneynaa hab caalami ah sida aan muranka Baddeena la galiyeyba Maxkamadda caalamiga ah u geysannay.

Hadalka Xeer ilaaliyaha Qaranka Suleymaan ayaa ku soo aadaya iyadoo biyaha Soomaliya ay joogaan Maraakib badan oo dowlada shisheeye ay leeyihiin kuwaas oo sheegay in biyaha soomaliya ay ka ilaaliyaan burcad badeed.