DHAGEYSO: C/qaasim Salaad “Halaga Heshiiyo Khilaafka Doorashada Dalka”

0

Cqaasim

Madaxweynihii Hore Ee Soomaaliya Cabdi Qaasim Salaad Xasan ayaa Ku Qaabilay Hoyga uu ka deggan yahay magaalada Qaahira Ee Dalka Masar Wafdi uu hogaaminayey Wasiirka Arimaha Dibada Soomaaliya.

Kulankaasi ayaa looga hadlay Xaalada guud Ee Siyaasada Soomaaliya iyadoo Wasiirka Arimaha Dibada Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq Maxamed uu dhageystay Talooyinka.

Cabdi Qaasim ayaa dhinacyada Doorashada isku haya ugu baaqay inay ka heshiiyaan khilaafaadka dalkana loo turo.

Cabdi Qaasim Salaad oo soo hogaamiyey Dawladii TNG-da ayaa waxa uu mar kasta ku baaqaa in la bad baadiyo Dalka Soomaaliya oo siyaasadaha laga heshiiyo.

HALKAAN HOOSE KA DHAEGYSO CODKA