DHAGEYSO: Jubbaland “Go’aan C/rashiid Janan nama saameenayo”

0

Wasiirka Warfafinta Jubbaland

Wasiirka warfaafinta Dawlad Gobolleedka Jubbaland Cabdi Xuseen Baraale ayaa waxa uu sheegay in Jubbaland wax saameyn ah ku yeelan doonin C/rashiid Janan oo dhanka Dawlada Federaalka heshiis la galay.

Wasiirka ayaa tibaaxay in Janan markii hore Xil u hayey Maamulka Jubbaland balse hadda laga qaaday,uuna go’aanka isaga leeyahay cida uu la heshiinayo.

Marxaladihii uu soo maray Heshiiskaan iyo waxay kala socdaan mar la weydiiyey waxa uu ka gaabsaday Wasiirku ka maamul ahaan.

Balse Wasiir Cabdi Xuseen ayaa hoosta ka xariiqay in Dawlada Federaalka ku eedeeyey inay kala jebin iyo carqaladeyn ku wado Shacabka Reer Jubbaland.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA