Muxuu Yahay Dagaalka Cusub Ee Puntland & Dawlada Federaalka?

0

58641556 643546702725520 1418697396598079488 N

Wasiirka Qorshaynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Jamaal Maxamed Xasan ayaa markii u horraysay war ka soo saaray bannaanbax shalay ka dhacay degmada Dhahar.

Wasiir Jamaal ayaa sheegay in ciidamada Puntland ay hubka culus iyo rasaas nool-nool u adeegsadeen shacab bannaanbax nabdoon ka samaynayay magaalada Dhahar.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa wax aan la aqbali karin ku tilmaamay in shacab bannaanbax nabdoon samaynaya loo adeegsado hubka culus iyo Rasaas nool-nool.

Wasiir Jamaal, ayaa sheegay in ay waajib tahay Madaxweyne Deni si toos ah loogula xisaabtamo falkaan

Jaamac depraani Afhayeenka Puntland

Mohamed Abdullahi Farmaajo iyo Gamal Hassan waxaad u abaabusheen banaabaxa si aad fowdo uga kicisaan Dhahar, Laakiin sida rabteen ma noqon, cidna kuma dhiman cidna kuma dhaawacmin nabad ayuu ku dhammaaday Ciidamaduna amniga ayeey sugeen.

Abaabulada lagu khalkhal gelinayo xasiloonida iyo nabadgelyada waa qeyb ka mid ah rafashada Madaxweynaha  wakhtigiisu dhammaaday!