Baarlamaanka Kulankooda Maanta & Qorshaha Muddo Kordhinta

0

Baarlamaanka Itoobiya 696x392 1

Sida ay sheegeen Qeybta Warbaahinta Golaha Shacabka waxaa maanta shir yeelanaya Xildhibaanada Baarlamaanka.

Muddo Bil ah kadib ayaa kulankaan uu dhacayaa,waxaana la sheegay in laga hadlayo Ajanadaha Caabuqa Covid 19 iyo saameyntiisa Dalka.

Abaare 9:00 Subaxnimo in Kulanka uu furmo ayaana loo ballamay,xildhibaanada ayaana fariin loo diray inay wakhtiga ilaaliyaan.

Qaar ka mid ah Xildhibaanada Mucaaradsan Siyaasada Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in aysan ogolaan doonin muddo kordhin loo sameeyo Hay’adaha Dawlada.

Warar soo baxay ayaa sheegaya in Guddoonka Golaha Shacabka uu cod gacan taag ah gelin karo Kulanka Maanta si labo sano qiyaastii loogu daro Dawlada,inkastoo weli xogtaasi tahay mid xildhibaanada qaar ay heleen.

25-kii July 2020-kii ayaa Xildhibaanada Ajande loo ballamiyey kadib waxay ka war heleen mooshin kalsooni kala noqosho ah,markaasi oo xilka laga tuuray Ra’iisal Wasaarihii Hore Xasan Cali Kheyre.