DEG DEG: Qarax Lagu weeraray Taliyaha iIaalada Deegaanka Xamar

0

119706123 2687888894783186 6209126461261049210 N

Wararka inaga soo gaaraya Degmada Kaaraan Ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Qarax loo dhigay saaka taliyaha Ilaalada Deegaanka Xamar.

Qaraxaasi oo ahaa nuuca miinada loo yaqaano ayaa la sheegay in labo Askari oo ilaalo aheyd dhaawacyo soo gaareen.

Taliye Maxamed Caraboow Cali Ayaa ka bad baaday Isku daygaasi la doonayey in lagu khaarajiyo.

Dad goob joogayaal ah ayaa sheegay in Qaraxa kadib ay ciidamadu fureen rasaas,balse khasaaro lama soo tebin.

Al Shabaab ayaa inta badan Qaraxyo la beegsada Ciidamada Dawlada iyo Saraakiisha la socota,sidoo kalena waxay beegsadaan mas’uuliyiinta xilalka ka heysa Dawlada Soomaaliya.