DHAGEYSO: Haween Gogol Ufidinaya Mucaaradka & Dawlada Soomaaliya

0

Capture

Iyadoo weli is jiid jiid siyaasadeed uu jiro kulamo gaar gaar ahna ay ka dhacayaan Muqdisho ayaa hadana waxaa dedaalo xal loogu raadinayo khilaafaadkaasi ay dhacayeen maalmihii dambe.

Beesha Caalamka ayaa waxay dhinacyada Soomaalida ugu baaqday inay ka heshiiyaan Xasarada Siyaasadeed ee jirta balse weli la iskuma waafaqin arimaha Doorashada.

Qaar ka mid ah Haweenka Siyaasada Ku jira ayaa kulan ay Muqdisho iskugu yimaadeen waxay sheegeen inay diyaar u yihiin ukala dab qaadida Dawlada Federaalka iyo Maamul gobolleedyada Mucaaradsan.

Waxay sheegeen inay dhibeyso dib ucelinta iyo bur bur loo horseedo Dalka ayna Wada hadal iyo heshiis ay dhex dhigaan dhinacyada iska soo horjeeda ay gogosheeda fidinayaan.

Muddo Labo isbuuc ka badan ayaa waxa Muqdisho Kusugan Madaxweynayaasha Jubbaland & Puntland iyagoo diiday inay la kulmaan Madaxweyne farmaajo.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA