DHAGEYSO: Puntland Oo Ku Hanjabeysa In Federaalka Iskaga Baxeyso

0

116738923 1a8f9e77 B28e 4f1c Bddd 75958749cfb9

Wasiirka Maaliyada Puntland Xasan Shire Abgaal ayaa waxa uu sheegay in ay rajo ka qabaan xal laga gaaro xasarada siyaasadeed ee ka dhex aloosan saamileyda Soomaalida.

Waxa uu sheegay in aysan marnaba Soomaaliya dib ugu laaban Karin dhibtii laga dhaxlay dawlad la’aanta isagoo sheegay in puntland aheyn caqabad hortaagan Qabashada Doorasho dhacda balse uu tibaaxay inay diidan yihiin in hal dhinac ku manaafacsado Doorashada.

Wasiirka Maaliyada Puntland ayaa sidoo kale sheegay in hadii rajo beel noqoto shirarka wax lagu xalinayo ay ka maamul ahaan iskaga bixi doonaan Dawlada Federaalka.

Xasan Shire Abgaal ayaa hoosta ka xariiqay in midaasi uga goleeyihiin,in ay ilaashadaan hantida iyo shuruucda maamul ay heystaan Reer Puntland,waxaase uu sheegay in iyagu ku deg degi doonin ka go’itaanka Dawlada Federaalka Soomaaliya

Puntland oo ah Maamulkii ugu horeeyey ee Nidaam Federaal ku dhisma Soomaaliya ayaa hadda waxa uu jirsaday 22 sano,iyadoo inta badan lagu Eedeeyey Maamulkaasi mid ka hor yimaada Go’aanada Dawlada Dhexe kasoo baxa.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA