Shil Tareen Oo Ka Dhacay Dalka Masar Dad badan Ku waxyeeloobeen

0

1616808231 20210326001530297168 Original 960x540

Inta La Og yahay 32 Qof ayaa dhintay 165 Qof kalena waa ay ku dhaawacmeen Labo tareen oo isku dhacay Dalka Masar.

Xilli ay doonayeen inay is garab dhaafaan ayaana Labada Tareen ay qalibmeen,taas oo keentay in shilka uu dhaco.

Dhaawacyada qaar ayaa xaalad halis ku jiro iyagoo ah loola cararay Cusbitaalada Caafimaadka.

Inkabadan 100 Ambalaas ayaa la arkayey iyagoo ka qeyb qaadanaya Gurmadka loo sameenayey dadka waxyeeladu gaartay.

Masar ayaa ka mid ah Dalalka ugu badan ee Shilalka khasaaraha geysta ka dhacaan.