Talaalka Covid19 Oo Maanta Laga Bilaabayo Deegaanada Puntland

0

165680738 3915342231879860 8730301929077278603 N

Waxaa Saaka Puntland ka bilaabanaya talaalka Covid19, talaalka ayaa hal mar laga wada bilaabi doonaa 40 goobood oo ku yaala 9 gobol ee Puntland.

Waxaa Talaalka wajiga koowaad laga bilaabaya Shaqaalaha caafimaadka, Maclimiinta, Ciidamada Booliska, qofka ka weyn 50 sano oo qaba xanuunada  macaanka iyo Dhiigkarka.

Talaalka oo si bilaash ah loo bixin doono waxaa Wasaaradda Caafimaadka Puntland  faraysaa dadka kor ku soo xusay inay booqdaan xarumaha talaalka.